CHELSEA OO BAR BARO LAGU QABTAY IYO CITY OO GUUL GAARTAY XAQIIQ SPORTS

WAXAA QORAY CUMAR ROOTI
Chelsea ayaa Stamfrod Bridge ku soo dhawaysay kooxda Everton, waxayna wiilasha Guus Hiddink doonayeen in ay tubta guusha dib ugu soo laabtaan kadib barbarihii niyadjabka lahaa ee ay isla Stamfrod Bridge kagala kulmeen kooxda West Brom.
Laakiin kooxda Everton oo kulankii hore barbaro Machester City kula soo gashay Etihad Stadium ayaa kulankan iskeentay  iyada doonaysa in ay dhibta ku sii kordhiyaan Blues oo marka horeba lix dhibcood ka saraysay kaalinta horyaalka loogaha hadho.
Xidigii hore ee Chelsea ee Romelu Lukaku oo xili ciyaareedkan qaab ciyaareed cajiib ah ku jira ayaa markale dib ugu soo laabanay garoonkii Stamfrod Bridge ee uu waqtiga uu ku ciyaaro ka waayay, Lukaku oo 10 gool ku soo dhaliyay 11 kulan.
HALKAAN KA AQRISO CIDA GOOLASHA DHALISAY IYO CALAAMADAHA LAKALA SIIYAY CIYAARTOYDA LAWADA DHINAC 
match details :
50'
  
0 - 1
 (o.g.) John Terry
56'
  
0 - 2
  Kevin Mirallas
64'
Diego Costa  
1 - 2
  
66'
Cesc Fabregas  
2 - 2
  
90'
  
2 - 3
  Ramiro Funes Mori
90'
John Terry  
3 - 3
  
90'
John Terry  
  Ramiro Funes Mori
hadii chelsea lagu dhagay dhanka kale city ayaa guul ku raaxeysaneysa 
Man City ayaa garoonkeeda Etihad Stadium guul muhiim ah kaga gaadhay kooxda Crystal Palace oo ay marti ugu ahayd, waxayna Sky Blues guushan ku gaadhay 4:0, waxaana goolasha ka dhaliyay Sergio Aguero oo laba gool dhaliyay iyo Fabian Delph oo goolasha u daahfuray Man City halka uu David Silva soo gabagabeeyay goolasha City.
Manchester City ayaa Etihad Stadium ku soo dhawaysay kooxda Crystal Palace, waxayna Sky Blues kulankan ciyaaraysay iyada oo  raadinaysa sidii ay tubta guusha ugu soo laaban lahayd kadib barbarihii ay Everton kagala kulantay isla garoonkeeda.Man City ayaa guul u baahnayd si ay cadaadiska ugu sii hayso kooxda hogaanka horyaalka haysa ee Arsenal
HALKAAN KA AQRISO CIDA GOOLASHA DHALISAY IYO CALAAMADAHA LAKALA SIIYAY CIYAARTOYDA LAWADA DHINAC 
22'
Fabian Delph  
1 - 0
  
41'
Sergio Aguero  
2 - 0
  
69'
Sergio Aguero  
3 - 0
  
72'
  
  Marouane Chamakh
84'
David Silva  
4 - 0
  
90'
  
  Yohan Cabaye

Comments