Robert Lewandowski waxa uu ku biiri doonaa madrid sidaas waxaa qawa Madaxweyne Sharafeedka Bayern Munich Franz Beckenbauer
waa suura gal in robert lewendowski uu ku biiro kooxda xayiraada laga saaray suuqa kala iibsiga ee real madrid in kasto wili wax wada hadal eysan jirin hadana warbaahinada caalamka ayaa qoraayaa arintaas iyadoona madrid eey suuqa xooga iskuugu geyn doonto bishaan junuary maadaama wixii ka danbeeya bishaas eysan wax ciyaaryahaan so iib san karin
Beckenbauer ayaa ku qoray barnaamijkiisa joogtada ah ee uu ku leeyahay majalada Deutsche Presse-Agentur: “Robert Lewandowski waa musharaxa suurogalka ah ee Real Madrid”.
Beckenbauer ayaa ku qoray barnaamijkiisa joogtada ah ee uu ku leeyahay majalada Deutsche Presse-Agentur: “Robert Lewandowski waa musharaxa suurogalka ah ee Real Madrid”.
Dhanka kale madaxweyne sharafeedka kooxdaasi ayaa qaba in ninka diirada u saaran kooxha ree England ee Thomas Müller,uu sidaasi ka duwan yahay wuxuuna markale Beckenbauer qoray “Thomas wuxuu xili hore sheegay inuu jecel yahay kooxda sidoo kalena uu sii joogi doono, taas waxay ka amcno tahay in jamaahiirta ay jecel yihiin in ka badan intii hore”.
Beckenbauer aayaa dhan kale qaba in xiligaan la joogo aysan suurogal u noqon doonin Real Madrid iyo Atlético de Madrid iney wax saxiixyo ah sameeyaan laakin dunida kubada cagta ay tahay mid aan la qiyaasi karin wax waliba ay dhici karaan.
Comments
Post a Comment