RASMI: FIFA Oo Kooxaha Real Madrid Iyo Atletico Madrid Ku Soo Rogtay Xayiraad Laba Xili Suuq Ah Oo La Mid Ah Ganaaxii Barcelona Dhamaysatay

Xidhiidhka kubbada cagta aduunka ee FIFA ayaa ganaaxyo gadhka u galisay kooxaha ka dhisan caasimada Spain ee Real Madrid iyo Atletico Madrid kadib markii lagu helay in ay qaladaad ka sameeyeen suuqa kala iibisaga ciyaartoyda , waxaana lagu soo rogay ganaaxyo laba xili suuq ayna diwaan gashan karin wax ciyaartoy cusub ah, waxaana ciqaab la mid ah ganaaxii ay FIFA hore ugu soo rogtay isla kooxda ree Spain ee Barcelona oo bishan January dhamaystay ganaaxaas.

       










                                                                                                                                                                                                                        Kooxaha ree Madrid ayaa lagu helay in ay si aan sharciga waafaqsanayn ula soo saxiixdeen ciyaartoy ay da’doodu ka yartahay 18 sano jir. Kooxaha Real Madrid iyo Atletico Madrid ayaa hadda bishan January awooda in ay ciyaartoy la soo wareegi karaan isla markaana ay diwaan gashan karaan laakiin suuqa xagaaga iyo bisha January ee 2017 ayayna wax ciyaartoy ah diwaan gashan karin.












Qoraal dheer oo ay guddida anshax marinta FIFA ay ka soo saartay ganaaxyada kooxaha Real Madrid iyo Atletico Madrid lagu soo rogay ayaa sidan u dhignaa:-
“Guddida anshax marinta FIFA waxay xiyaraad ku soo rogtay kooxaha ree Spain ee Atletico de Madrid iyo Real Madrid kuwaas oo jabiyay diwaan galinta ciyaartoy ay da’doodu ka hoosayso 18 jir oo la xidhiidha suuqa caalamiga ah”.
“Labada kooxood waxaa lagu helay in ay jabiyeen waxyaabo dhawr ah oo la xidhiidha suuqa caalamiga ah waxayna marka hore diwaan galiyeen ciyaartoy yar yar sidoo kale waxyaabo kale oo la xidhiidha diwaan galinta iyo ka qayb qaadashada tartamada ee ciyaartoy gaar ah”.
“Labada kooxoodba waxay mari doonaan ganaax suuq kaas oo ka horjoogsanaya in ay wax ciyaartoy ah diwaan gashadaan heer qaran iyo heer caalami labada xili suuq ee soo socota oo isku xigta oo dhamaystiran kadib markii ay jabiyeen qodobada 5,9,,19 iyo 19bis iyo waliba 2 iyo 3 ad ee sharciga diwaan galinta xaalada ciyaartoyda. Ganaaxani wax saamayn ah kuma yeelan doono suuqa hadda (January) iyada oo suuqani uu ka hor furmay go’aanka waqtigii uu hirgali lahaa ee labada kooxood. Ganaaxani waxaa ka reeban kooxaha kubbda cagta xeebta iyo dumarka kamana hortagayo in ciyaartoy la siidaayo”.
“Intaas waxa dheer, Atletico Madrid iyo Real Madrid waxaa lagu ganaaxay lacago dhan CHF 900,000 iyo CHF 360,000(Atletico Madrid €821, Real Madrid €328,000.) sida ay ukala horeeyaan. Halka labada kooxood la siiyay digniin 90 maalmood ah si ay saxaan xaalada iyo ciyaartoyda ay khusayso”.
Kooxda Atletico Madird ayaa lagu eedeeyay in ay qaladaad suuqa kala iibsiga da’yarta ka samaysay sanadihii  2007 iyo 2014, halka Real Madrid lagu helay in ay 2005 iyo 2014 ay si aan sharciga waafaqsanayn ula soo saxiixatay ciyaartoy ay da’doodu ka hoosayso 18 jiro. FIFA ayaa xidhiidhka kubbada cagta Spain ee RFEF ka dalbatay in ay u soo gacan galiyaan dhamaan waraaqaha ciyaartoyda ay arintani khusayso.

Comments