Mesut Ozil Oo Markii Afraad Loo Doortay Xidigii Xulka Qarankiisa Germany Ugu Fiicnaa 2015 Isaga Oo Cod Aqlabiyad Ah Abaal Marintan Ugu Guulystay
Xidiga xulka qarnka Germany iyo kooxda Arsenal ee Mesut Ozil ayaa loo doortay xidigii xulka qaranka Germany ugu fiicnaa sanadkii aan soo dhaafnay ee 2015. Ozil ayaa hore saddex jeer oo xidhiidh ah ku soo guulaystay abaal marinta xidiga Germany uga fiican laakiin sanadkii 2014 ayuu Toni Kroos ku guulaystay.
Ozil ayaa soo badhigay qaab ciyaareed cajiib ah wuxuuna taas badalkeeda helay kalsoonida jamaahiirta xulka qarankiisa kuwaas oo ugu codeeyay xidigii Germany ugu fiicnaa. Codbixinta lagu soo xulanayay xidiga Germany ugu fiican ayay ka qayb qaateen in ka badan 51 kun oo taageero taas oo uu Ozil ka helay boqolkiiba 45.9%, waxaana kaalinta laad codbixintan ka galay Thomas Muller oo helay boqolkiiba 15.9% halka Jonas Hector uu kaalinta saddexaad ku galay boqolkiiba13.6%.Ozil ayaa xulka qarankiisa sideed kulan ugu bilawday sanadkii 2015 kii isaga oo shan kulan la guulaystay ka hor guuldaradii kulankii saaxiibtinimo ee Germany ka soo gaadhay xulka qaranka France. Dhibaca kooxdiisa Gunners ayuu Ozil ku socdaa in uu rekoodh cusub ku dhigo gool caawinta isaga oo 16 hool caawineed sameeyay halka uu sidoo kale abuuray 87 fursadood oo gool lagu dhalin karayay.
Comments
Post a Comment