MAXAA USAWAB AH DHIBAATADA SOMALIA KU HEYSATO KONFUR AFRICA "

Shacabka Soomaaliya waxaa naxdin ku noqotay xadgudubyada ka dhanka ah muwaadiniinta Soomaaliyeed , iyadoo la ogsoon yahay taageerada xoogan ee Soomaaliya ay u fidisay loolankii dheeraa ee guuleystay ee Koonfur Afrika ay ku diidaneed midab takoorka. ganacsatada soomaliyeed ee ku nool dalka South -Africa ayaa waxaa lagula kacaa arimo ay ka mid yihiin dil, dhac & Jinsi nacayb iyo kuwa kale aan laso koobi karin “
1 ) soomalida ku sugan konfur africa waa hool kar had iyo jeerna diyaar u ah in eey qanciyaan macaamiishooda halka ganacsatada kale eey macaamiishooda iskala weynihiin
2 ) badeecda eey somalida ii biyaan waa jumlo iyo tafaariiq halka south africaanka eey ka duwantahay midaas
3 ) shaqada ayeey heegan buuxa uyahiin waxeyna shaqeeyaan kala bar 24 saac haween iyo maalin
4 ) soomaalida waa dad is caawiya meel waleey joogaan sidaas daraadeed waa lo quuri waaye 

waxaan rawaa inaan mid mid uga hadlo arintaan foosha xun eey cawaanta south africa kula kacaan muwaadiniinta soomaliyeed ee halkaas ujoogo in eey noloshooda ku maareeyaan isla markaaasna ka cararay xaalada amni ee magaalada muqdisho 
huwaal had iyo jeer waxaa dhaco dil iyo boob kaasiyo lagu haayo ganacsatada soomaliyeed ee ku sugan wadanka konfur africa mana jirto cid wax ka qawato arintaas joogtada udhacdo
   taariiqda dib uxasuuso "

Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Jaalle , Maxamed Siyaad Barre waxa uu yiri ” Gobonimada iyo Xoriyadda aan heysanno wax micno ah ma lahan iyo faa’ido , xilli walaalaheena South Africa ay yihiin kuwa la dulmiyay oo ka xaniban xuquuqdoodii oo aaney laheyn aaya-katashi, annaga iyo wadamada Afrika waxaanu laba laabi doonaa dadaalkeena si aan caalamka ugu baraarujinno xaaladda halista ah ee ka taagan Koonfur Afrika , waxaa waajib nagu ah inaan taageero farsamo iyo mid niyad ah aan u fidinno dhaq dhaqaaqyada xornimo-doonka Afrika , si dal waliba oo Afrika ah uga xoroobo kuwa boobaya kheyraadka , dhaawacna u geysanaya karaamada iyo sharafta Afrika”.

omar rooti ayaa qadka talefanka kula xariiray Yuusuf ibraahim mocoow oo ku sugan south africa codkiisa hoos ka dhageyso “

Comments