MAXAA KA CUSUB SUUQA KALA IIBSIGA BISHA JANUARY


WAXAA QORAY CUMAR ROOTI


Suuqa kala iibsiga bisha Janaayo ayaa furan taasoo la micno ah inaysan joogsaneynin xanta suuqa, waxaana saacad walba soo baxaya war cusub oo suuqa kala iibsiga ku saabsan, hadabaXAQIIQ SPORTS ayaa kaa saacidi doonta inay wararka xanta suuqa oo dhan hal meel kuugu soo koobto. Iyadoo subax walba aan idiin soo qorno wararkii ugu danbeeyay ee ay wargeysyada Ingariiska qoreen ayaa caawa idiin soo gudbineynaa waxyaabihii la qoray caawa fiidkii ee suuqa kala iibsiga.
Real Madrid ayaa qiimeyneysa horumarka uu sameynayo Paulo Dybala, waxaana laga yaabaa inay u dhaqaaqaan weeraryahanka Juventus ka hor inta uusan bilaabanin ganaaxa ka saaran suuqa kala iibsiga dhamaadka bisha Janaayo. (Jugones)
Heshiis dhanka afka ah ayaa laga gaaray in weeraryahan ka reer Brazil Alexandre Pato uu ku biiro Chelsea oo uu ka soo wareego kooxda Corinthians. (ESPN Brazil)
Chelsea ayaa u soo bandhigi doonta kooxda Leicester City xiddiga garabka ka ciyaara Christian Atsu iyo 15 milyan ginni si ay u helaan kubadsameeyaha reer Algeria Riyad Mahrez. (Marca)
Heshiiska uu Rodrigo Bentancur ugu wareegayo kooxda Real Madrid ayaa lagu dhow yahay ka dib markii madaxweynaha Boca Juniors Daniel Angelici uu la kulmay wakiilka ciyaaryahanka si uu ugala hadlo heshiiska. (Telam)
Liverpool ayaa diiday dalab uga yimid kooxda Swansea oo dooneysa inay dib u la wareegto xiddigeedii hore ee khadka dhexe Joe Allen. (Liverpool Echo)
QPR ayaa dooneysa inay amaah ku qaadato labada ciyaaryahan ee Chelsea Charly Musonda iyo Patrick Bamford ilaa iyo dhamaadka xilli ciyaareedkan ka dib markii ay ku dhibtoodeen inay ka qeyb noqdaan kooxda koowaad ee Blues. (London Evening Standard)
Valencia iyo Villarreal ayaa sugaya haddii ay iyagana wajihi doonaan ciqaab la mid ah Atletico Madrid iyo Real Madrid. FIFA ayaa haatan baaritaan ku wada labada kooxood. (AS)
Borussia Dortmund ayaa ku biirtay tartanka loogu jiro weeraryahanka kooxda AC Milan Stephan El Shaarawy. Waxaa lagu qiimeynayaa 20 milyan euro, laakiin BVB ayaa kalsooni ku qabta inay qiimo intaas ka jaban ku heli karaan. (Bild)
Dhaawacii soo gaaray kabtankooda Benedikt Howedes ayaa ku qasbay Schalke inay suuqa kala raadiso daafac dhexe, xididga Barcelona Marc Bartra ayaana ugu sareeya liiskooda. Daafacyada Man United Marcos Rojo, kan Roma Kostas Manolas iyo Aleksan Dragovic ayaa sidoo kale liiska ugu jira. (Sport)
Kubadsameeyaha khadka dhexe ee Real Madrid James Rodriguez ayaa ka careysiiyay Zinedine Zidane kaasoo aaminsan inuusan xiddiga reer Colombia waqti badan ku dhumiyo caweyn. Manchester United ayaana xiiseyneysa 24 jirkaan. (Sport)
Weeraryahanka AC Milan Luiz Adriano ayaa ku guuldareystay inuu saldhigto San Siro waxaana 14 milyan euro looga iibin doonaa kooxda reer China ee Jiangsu Suning. (Sky Sport Italia)
Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ku adkeysanaya inuu la soo wareego goolhaye Marc-Andre Ter Stegen si uu tartan u la galo Simon Mignolet. Kooxda ayaa 10.8 milyan ginni ku dalbatay laakiin Barcelona ayaa ku dooneysa 23 milyan ginni. (Don Balon)
Wakiilka Ezequiel Lavezzi ninka la yiraadho Alessandro Moggi ayaa ku sugan London maanta si uu wadahadalo u la galo Chelsea. Ma cada haddii ay ka hadlayaan heshiis bishaan Janaayo ah ama heshiis uu xagaaga weeraryahanka PSG ugu soo wareegayo Stamford Bridge. (Sky Sport Italia)
Manchester United ayaa dooneysa inay u dhaqaaqdo weeraryahanka PSG Edinson Cavani ka dib markii wakiilada ciyaaryahanka ay u soo dhawaadeen kooxda. (ESPN)
ASXAABTA XAQIIQ SPORTS WAAD KU MAHADSANTIHIIN AQRISKA WEBKA 

Comments