Manchester United oo lagu dhagay xilli ay kaalinta lixaad usii dhacday DAAWO GOOS GOOSKA…

Wayne Rooney ayaa kulankii sedexaad oo xiriir ah goolal u dhalinaya kooxdiisa Manchester United hase yeeshee caawa waa lagu dhagay waana ay badin kari waayeen xitaa hadii ay goola badan dhaliyeen.

Kooxda Newcastle United ayaa caawa soo bandhigtay ciyaar niyad sami ku dhisan iyadoo laba gool oo looga hormaray ay kartay ineey iska soo magaan waliba ay qiil qiil galiyaan goolka United.
Inkastoo caawa United ay goor sii horeysay heleen laba gool midkood uu rigoore ahaa waxaana gool u badalay kabtan Rooney halka goolkii labaad uu isla Rooney ku sharfay inuu dhaliyo ciyaaryahanka da’da yar Jesse Lingard.
Laakin dhamaadkii ciyaarta ayaa Georginio Wijnaldum keenay goolkii koowaad waxaana madaxa si qaldan ugu soo salaxay ciyaaryahan Fellieni.
Markii la isku soo laabtay ayaa markale Newcastle United usuuragashay ineey goolkii lagu lahaa iska soo barbareeyaan markii rigoore lagu sharfay ay gool u badaleen.
Rooney ayaa markale laad xoog badan shabaqa ku hubsaday kana dhigay ciyaarta 2 – 3, laakin dhamadkii ciyaarta ayaa waxaa barbareeyey goolkiisa Paul Dummett.
Manchester United caawa ay u qalantay ineey 3 – 5 ku badiyaan waxay lumiyeen laba fursad oo gool noqon karay waxaana kala lumiyey Lingard iyo Fellieni.
Guud ahaan ayaa ciyaarta kusoo idlaatay 3 – 3. Man United waxay hoos ugu dhacday kaalinta lixaad oo waxaa caawa ka sara martay kooxda West Ham United oo 3 – 1 kaga badisay AFC Bournemouth.
Aston Villa ayaa iyadana caawa guul muhiim ah ka gaartay kooxda Crystal Palace dhamaan kulamadaan ayaa waxay ka mid yihiin Premier 

Comments