man united oo meel iska saartay dhigeeda liverpool "

 Manchester United ayaa ciyaarta ku bilaabatay dardar fiican iyada oo markiiba bilawday in ay weerar ku qaado goolka Liverpool laakiin kooxda martida loo ahaa ee Liverpool ayaa iska caabisay weerarka United waxayna markeeda bilawday in ay ka jawaabto weerarka United.3
Iyada oo labada kooxood ay kala cabsanayaan isla markaana ay weerar taxadar badan samaynayaan ayay Liverpool daqiiqadii 11 aad ugu dhawaatay in ay goolka furitaanka la timaado iyada oo Adam Lallana uu Man United ku helay fursadii ciyaarta ugu halista badnayd, balse waxaa Man United badbaadiyay David De Gea kaas oo qabtay shaqo cajiib ah. Lucas ayaa kubbad cajiib ahayd Lallana fursadan ugu abuuray.Lallana
Intaa wixii ka danbeeyay Liverpool ayaa noqotay kooxda markasta gool laga filan karo, waxayna abuurtay fursado tiro badan balse dhamaystirka kooxda Klopp ayaa aad u liitay.Daqiiqadii 31 aad ayay markale Liverpool samaysay isku taabasho layaableh kadib markii Lucas, Lallana iyo Firmino ay isla ciyaareen kubbad hal taabasho ah iyaga oo ka soo bilaabay cidhifka xerada ganaaxa Man United laakiin ugu danbayn Henderson ayaa darbo waxyar u mariyay goolka Red Devils.Henderson
Daqiiqadii 42 aad ayay Man United soo foodsaartay arin dhibaato dhaawac ahi kadib markii ciyaarta dhaawac looga saaray Ashley Young oo difaaca midig kulankan ka ciyaarayay kadib markiiay isku dhaceen James Milner, waxaana lagu soo badalay Cameron Borthwick-Jackson.Young
Young ayaa isku dayay in uu ciyaarta sii wato basle ugu danbayn waxa uu xaqiiqsaday in aanu dhamaysan karin daqiiqadaha yar ee ka hadhsanaa waqtiga nasashada.Young ayaa si xun dhulka ugu dhacay wuxuuna umuuqday in uu soo gaadhay dhaawac xanuun badan ku hayay.Young2
Manchester United ayaa markii labaad xili ciyaareedkan ku guuldaraysay in ay qaybta hore samayso hal bartilmaameed oo goolka Liverpool ah, guud ahaan qaybta hore ee ciyaartan ayaan ahayn sidii looga bartay kulamda Liverpool iyo Manchester United dhexmara, wuxuuna ahaa kulan ay xamaasadiisu ka hoosaysay sidii laga filanayay.4 Inkasta oo ay Liverpool ahayd kooxda fursadaha ugu badan samaysay ayay haddana mar kaliya De Gea ku sababtay in uu badbaadin sameeyo, waxayna qaybta hore ku dhamaatay barbaro gool la’aan ah.Marouane Fellaini iyo Lucas oo kaliya ayaa si gaar ah looga dareemayay xamaasadii kulan dhexmaraya United iyo Liverpool.
Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay labada kooxood soo laabteen iyaga oo dardar fiican ku socda waxaana markale fursad abuurista badan ee bilaa dhamaystirka ah sii waday Liverpool. Daqiiqadii 52 aad ayay Liverpool heshay fursad cajiib ah kadib markii uu Lallana kubbad qurux badan la ciyaaray Can laakiin markale De Gea ayaa fursad khatar ah iska badbaadiyay.
Daqiiqadii 56 aad ayuu kabtanka Man United ee Wayne Rooney uu helay fursad uu goolka furitaanka ugu dhalin gaadhay Man United kadib markii uu da’yarka Borthwick-Jackson uu shaqo fiican soo qabtay isla markaana waxay u muuqatay in Rooney uu helay fursadiisii ugu fiicnayd ee kulankan balse fursadani ma noqon mid ciyaarta wax ka badashay.
Daqiiqadii 68 aad ayuu David De Gea muujiyay sababta uu u yahay goolhaye heer caalami ah kadib markii uu Liverpool uga dhaartay in ay shabiqiisa ku soo taabtaan fursado is xigay oo layaableh. De Gea ayaa marka hore badbaadiyay kubbad xoogan oo uu Emre Can goolka United ku tuuray halka uu markale si deg deg ah u badbaadiyay darbo uu Firmino tuuray.
Iyada oo Liverpool tahay kooxda markasta goolka laga filan karo ayay Man United natiijada ciyaarta dhinaca kale udhigtay kadib markii uu Kabtanka Man United ee Wayne Rooney uu kooxdiisa udhaliyay gool qurux badan oo cajiib ah isaga oo ka faa’iidaystay kubbad Fellini uu marka hore birta ugu garaacay Liverpool, wuxuuna Rooney ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Red Devils hogaanka kula wareegtay. Wayne Rooney ayaa goolkan dhaliyay daqiiqadii 78 aad.

Comments