liverpool vs man united lawa wili oo isku cusub ayaa kulmi doono marka la eego england premier league "

Kulanka: Liverpool v Man United

Garoonka: Anfield

Waqtiga: 5:05pm Saacada Geeska Afrikafaca Liverpool Dejan Lovren ayaa u dhow inuu soo laabto ka dib dhaawac muruqa ah laakiin taam uma noqon doono inuu ciyaaro kulanka maanta ee Manchester United.

Midkoodna xiddigaha ku jira liiska dheer ee dhaawacyada kuma dhawa inay taam noqdaan, iyadoo Daniel Sturridge uu weli dhaawac ku maqan yahay.
Manchester United waxaa ka maqnaan doona Bastian Schweinsteiger kaasoo dhaawac jilibka ah qaba, iyadoo xiddiga khadka dhexe Michael Carrick uu sidoo kale dhaawac yahay.
Daafaca Phil Jones ayaa la filayaa inuu soo laabto dhawaan isagoo qaba dhaawac canqowga ah.
line upka macquulka ah :
Liverpool (4-2-3-1): Mignolet; Clyne, Toure, Sakho, Moreno; Henderson, Can; Ibe, Lallana, Milner; Firmino.
Man United (4-2-3-1): De Gea; Darmian, Blind, Smalling, Young; Schneiderlin, Fellaini; Martial, Herrera, Lingard; Rooney.

maxaa ka ogtahay kulankaan ?

  • Manchester United ayaa badisay lix ka mid ah sideedii kulan ee ugu danbeysay ee horyaalka ee ay ka horyimaadeen Liverpool, iyadoo laga badiyay labada kulan kale.
  • Liverpool ayaase laga badiyay kaliya labo ka mid ah todobadii kulan ee ugu danbeysay ee Man United ku soo dhaweeyeen Anfield iyagoo badiyay afar kulan oo ka mid ah.

  • waxaa qoray: cumar rooti 

Comments