Skip to main content
Lionel Messi oo soo bandhigay shantii Ballon d’Or uu ku guuleystay+sawiro
Xiddiga Argentina ee Lionel Messi ayaa soo bandhigay guud ahaan abaalmarinadii Ballon d’Or uu ku guuleystay xiliyadii kala duwanaa.Xafladii ugu dambeysay ee isbuucaan dhacday Messi waxaa loo doortay mar shanaad laacibka ugu wanaagsan Adduunka.Messi ayaa abaalmarintan waxaa uu ku garaacay Cristiano Ronaldo iyo Neymar.Xiddiga ayaa soo bandhigay guud ahaan abaalmarinadii shanta ahaa waxaana uu ka istaagay dhinac.Abaalmarinta sidoo kale waxaa ka hoos muuqday fanaanadaha Barcelona iyo Argentina.Isagoo gurigiisa jooga ayuu soo bandhigay Leo abaalmarinadan waxaana uu ku daabacay Facebook,waliba isagoo shantiisa gacan kor u taagaya isagoo muujinaya inuu shan jeer jaa’isadan uu ku guuleystay.
Comments
Post a Comment