Jenyo iyo gaadiidka oo ku kala baxay baro min 1 - 1

kooxaha Jeenyo iyo Gaadiidka ayaa dhibacha ku heshiiyay kulan ka tirsan horyaalka Soomaaliya kaddib markii ay isla dhaafi waayeen bar-baro 1-1.
Qeybtii hore ee ciyaartan xiisaha lahayd ayaa lagu kala nastay bar-baro goolal la’aan ah.
Hayeeshee markii la isku soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta ayay labada koox la yimaadeen goolashooda oo waxaa goolka ku hormartay Jeenyo waxaana u saxiixay xiddigooda cusub ee Yaxye.
Gaadiidka ayaase diiday inay sidaa ku dhamaato ciyaarta oo waxaa goolka u bar-bareeyay da’yarkeeda 11-ka u xirta ee Farxaan.
Naadiga Jeenyo ayaa haddaba iska khasaarisay fursad ay kaalinta labaad kula gali kartay kooxda Dekadda.
http://www.codkasoomaalida.com/wp-content/uploads/2014/12/

Comments