HORDHACA ; Stoke City vs Arsenal __Gunners oo caqawad kala kulmi karta Stoke City

Kulanka: Stoke City v Arsenal

Garoonka: Britannia Stadium

Waqtiga: 7:15pm Saacada Geeska Afrika

ababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa ka fiirsanaya inuu sharxdiisa ku soo bilaabo Alexis Sanchez markii ugu horeysay tan iyo markii uu dhaawacmay bishii November.
Saxiixa cusub Mohamed Elneny ayaa ciyaari kara kulanka maanta laakiin waxa ay u badan tahay inuusan ku soo bilaaban doonin.
Xiddiga Stoke City Xherdan Shaqiri oo seegay kulankii ay ka badiyeen Norwich City ayaa mar kale ku maqan dhaawac muruqa ah, halka Geoff Cameron uu la maqan yahay dhaawac canqowga ah.
Marko Arnautovic ayaa taam ah, halka Phil Bardsley iyo Stephan Ireland ay ciyaari karaan madaama ay dhaawacyo ka soo kabsadeen.

line upka macquulka ah
stoke City (4-2-3-1): Butland; Johnson, Shawcross, Wellecheid, Pieters; Afellay, Whelan; Walters, Krkic, Arnautotic; Joselu.
Arsenal (4-2-3-1): Cech; Monreal, Koscielny, Mertesacker, Bellerin; Ramsey, Flamini; Campbell, Ozil, Walcott; Giroud.

Comments