ganaaxii suuqa ee real madrid BSG oo ka quusatay ronaldo una leexatay neymar

Ganaaxii suuqa laga saaray Real Madrid ayaa isbadal weyn ku keenay siyaasadii suuqa ee kooxda ree France ee PSG sida ay maanta daabacday jariirarada isla dalkaasi kasoo baxda ee L’Equipe.
Kooxda re France ayaa dooneysay iney la soo wareegto xidiga Real Madrid ee Cristiano Ronaldo laakin dhabarjab weyn ayey kala kulmi doonaan taas maadaama Real Madrid suuqa laga gaanaxay sidaasi darteedna ay ceshan doonto xidigeeda Cristiano kaasoo qudhiisa doonayay inuu u dhaqaaq0 magaalad aParis kadib amrkii la tabiyay in macalinkan iyo maamulka kooxdaasi uu u sheegay inuu jeclaan lahaa ku soo biiritaankooda.
L’equipe ayaa hore u sheegtay in Cristiano uu dhegta ugu sheegay macalinka kooxdaa PSG ee Luarent blanc inuun doonayo inuu la shaqeeyo dhmaadkii kulankii ka dhacay Santiago Bernabeu ee ka tidanaa tartanka Champions league.
Si kastab ‘L’Equipe’ ayaa qortay in PSG ay haatan diiradeda u wareejisay dhanka weeraryahanka kooxda Barcelona ee Neymar Junior kaasoo ay koox badna aad u doonayaan saxiixiisa kaidb markii ay ogaadeen in Los Blancos aysan iibin doonin xidigooda.
Kooxda ayaa dooneysa iney Neymar ka dhigto waxa loo yaqaano “Hoigaamiyaha PSG” maadaama uu dhamaadka xili ciyaareedkan kooxda ka tagaya Zlatan Ibrahimovic oo qandaraaskiisa uu dhacayo bisha June ee 2016.

Comments