Kulan weyn ayey caawa isaga hor imaan doonaan kooxaha Liverpool iyo Arsenal oo hogaamineysa horyaalka.
Kulanka: Liverpool ? – ? Arsenal
Garoonka: Anfield, Liverpool
Garsooraha: M. Jones
Saacada:11:00 habeenimo
Maalinta:Arbaco
Taariikhda: January 13, 2016
Xiddigo muhiim ayaa kulankan Liverpool dhaawac ugu maqan halka Arsenal ay lamid tahay.
Xaqiiqooyinka ciyaarta.
Arsenal ayaa laga badiyay kaliya labo jeer 17-kii kulan ugu dambeeyay Premier league oo ay la ciyaartay Liverpool,6 waa ay badisay 9 bar baro.
35 gool ayaa leysaga dhaliyay sagaalkii kulan ugu dambeeyay horyaalka horyaalka ay ku ciyaareen kooxahan garoonka Anfield.
Jurgen Klopp ayaa badiyay shan kamid ah 12-kii kulan ugu dambeeyay horyaalka uu hogaamiyay Liverpool, ,seddex bar baro afarna waa laga badiyay.
14 gool ayey dhaliyeen kulumadaas oo ay ku jirto labo gool ay dhaliyeen afartii kulan ugu dambeeyay.
Liverpool ayaa dhalisay 22 gool 20-kii kulan ay xagaagan ciyaartay horyaalka,waa heerkoodii gool ugu hooseeyay in 20 kulan ay ku dhaliyaan.
Shan kulan ayey ku badiyeen xagaagan Premier league 1-0,waxaan rikoorkaas la wadaagta kooxda West Brom.
James Milner ayaa ah xiddiga cel celiska ugu badan kulankiiba horyaalka gooya masaafo badan oo garoonka dhexdiisa oo oradka ah,taas oo ka badan xiddig kasta.
Arsenal ayaa guuldaro la’aan ah sagaalkii kulan ugu dambeeyay horyaalka ay ku ciyareen garoonkooda laakiin kaliya hal ayey badiyeen afartii kulan ugu dambeeyay banaanka ay ku soo ciyaareen.
Arsenal ayaa dhalineysay goolka ugu horeeya ciyaarta 14 kulan oo kamid ah kulumada ay ciyaarta horyaalka xagaagan,taas oo ka badan koox kasta.
Mesut Ozil ayaa dhalinayay gool ama caawinayay 16 kamid ah 24-kii kulan ugu dambeeyay horyaalka uu u ciyaaray Arsenal,seddex waa uu dhaliyay 13 gool waa caawiyay.
Comments
Post a Comment