De Gea, Ronaldo, Bale – Sida Ay Man United U Saameyn Karto Ganaaxa Suuqa Kala Iibsiga Ee Real Madrid Iyo Atletico Madrid.

Xiriirka kubada cagta adduunka ayaa maanta ganaaxyo suuqa kala iibsiga ah ku soo rogay kooxaha Real Madrid iyo Atletico Madrid kuwaasoo aan ciyaartoy iibsan karin xagaaga soo socda iyo bisha Janaayo ee ku xigta ee 2017. Hadaba waxaan eegeynaa maxay u la micno tahay ganaaxa labada kooxood ee suuqa kala iibsiga kooxda Man United.


















                                                              Gareth Bale
Man United ayaa si weyn u dooneysay inay horyaalka Premier League ku soo celiso xiddiga reer Wales xagaaga danbe iyagoo doonayay inay ku qanciyaan ciyaaryahanka iyo kooxda Los Blancos dalab aad u fiican oo aysan diidi karin. Laakiin iyadoo ganaax uu saaran yahay kooxda Los Blancos ma ogolaan doonaan in hantidooda ugu qaalisan ay iska iibiyaan xagaaga madaama aysan awoodin inay bedelkiisa suuqa kala iibsiga ka soo helaan. Sidaasi darteed rajo kasta oo ay United ka lahaayeen saxiixa Gareth Bale halkaas ayuu ku dhintay.

Iyadoo in muddo ah shaki la geliyay mustaqbalka xiddiga Real Madrid Cristiano Ronaldo, haatan xaalka waa uu ka duwanaanayaa sidii hore. PSG iyo Man United ayaa lala xiriirinayay inuu xiddiga reer Portugal u wareegayo xagaaga, iyadoo taageerayaasha Old Trafford ay filanayeen in Ronaldo uu soo guryo noqonayo. Laakiin inay u dhaqaaqaan bishaan Janaayo mooyee uma muuqato caqligal in Real Madrid ay iska iibineyso Ronaldo labada suuq kala iibsi ee soo socota.

De Gea

Goolhayaha Man United ayaa xagaaagii qarka u fuulay inuu ku biiro kooxda Real Madrid iyadoo heshiiska uu burburay saacadihii ugu danbeeyay. Inkastoo taageerayaasha Man United ay farxad u arkaan ganaaxa Real Madrid islamarkaana De Gea uu bilo ka hor saxiixay heshiis waqti dheer, hadana waxaa macquul ah in Real Madrid ay saxiixyo waa weyn sameyso bishaan Janaayo si ay kooxdooda ugu adkeeyaan inta uu ganaaxa suuqa kala iibsiga dulsaaran yahay. Sidaasi darteed Man United ayaa isku diyaarin karta inta ka hartay bishaan dalabyo waa weyn oo uga yimaada Real Madrid si ay u helaan goolhayaha reer Spain.

Comments