Branislav Ivanovic ayaa la sheegay inuu aqbalay dalab heshiis cusbooneysiin ah oo ugu yimaaday Chelsea.
31 jirkan ayaa heshiiska uu kula jiro kooxdan waxaa uu dhacayaa dhamaadka xagaagan.
Laakiin sida ay qortay The Times ciyaaryahanka reer Serbia ayaa dhawaan saxiixaya heshiis cusub.
Wararka waxaa ay sheegayaan in heshiis halsano oo kale inuu la galayo kooxda England ka dhisan.
Ivanovic ayaa iska diiday inuu aqbalo dalab kaga yimid kooxaha Serie A ee Inter Milan iyo Fiorentina.
Daafacan ayaa Chelsea uga soo biiray Lokomotiv Moscow sanadkii 2008.
Comments
Post a Comment