Ninka Xaaskiisa U Sameeyaay 24-taan Arimood Waa Ninka Xaaskiisa U Noqdo Boqorka Aay Dunida Ku Leedahay..

Ugu horeyn waa inaad ficiladaan so socdo aadan ka caajisin hadii aad dooneyso in xaaskaaga eey ku naqato mid aan ku iloowi doonin "

1 -Xiliga aad guriga dib ugu soo laabato ugu horeyn raadi halka ay ku jirto deedna xabad
gili (Hab sii).

2-Si fog uga wareyso xaaladda maalintaas ay ku dhameeysatay , su`aalo badan ka weydii
hadii ay jiraan wax ku soo kordhay maalintaasi
.
3-Xoogga saar oo samee in aad la muragooto xiliga ay xanuunsaneyso ama dhib kale
dareemeyso .

4-Dhunko(Shumi)macslaameey xiliga aad
guriga ka baxeeyso.

5-xabadka gili(Habsii)ama qoorta qoorta u saar ugu yaraan afar jeer maalintii .

6-waan ku jeclahay ku dheh ugu yaraan
maalintii laba jeer

7-u mahad celi marka ay howl ku sameeyso
ama kuu qabato.

8-xiliga ay cuntada kuu diyaarineyso ammaan habka wax karinteeda.

9-ku boori oo u muuji mar waliba in aad la
dhacsan tahay muuqaalkeeda .

10-Alaabtada muhiimka kuu ah adiga
hagaajiso ha ka sugin in iyada uun ay kuu
sameeyso .

11-Hadii maalin ay daalan tahay ama
mashquul ay tahay saacideey oo howsha qabo sida in aad caruurta aad iskuulka u kaxeeyso ,
ama guriga hagaajisid ama cuntada .

12-Xoogaa nasasho ula bax banaanka
magaalada iyadoo caruurta idinla socon .

13-La soo hadal adiga oo shaqo ku maqan
weydii xaaladeeda xitaa hadaad wax kale
weydo ku dheh oo u muuji waan ku Jeclahay .

14-Xiliga aad guriga ku soo laabato oo aad
aqrisaneyso wargeys ama Tv-ga daawaneysid sii ugu yaraan 15-daqiiqo si aad iyaad uga
dhageysato warka

15-Marka aad la hadleyso gacantaada saar qeyb ka mid ah jirkeeda sida gabarka ama
dhabarka.

16-la soo hadal oo ku war gili hadaad
maalintasi soo dib dhaceeysid oo aadan
imaaneyn waqtigii aad Guriga tagi jirtay .

17-Marka aad safarka magaalada ka baxsan aad galeeyso la soo xariir una sheeg in si nabad ah
ku gaartay magaalada aad dooneysay isla
markaana sii Taleefanka lagaa heli karo .

18-U qorshee maalmo aad magaalada u
baxeysaan , hana dhibsan hadey ay soo
dahaado sida haddii ay labiska ku soo daahdo ha ku oran naga dhaqso waan daahnee .

19-Waxa u baahan in la soo sameeyo ee guriga yaal ama la doonayo in la keeno liis ku qoro isla markaana keen haka sugin in ay kugu soo war giliso .

20-Kaga nixi Hadiyado yar xiliyada qaarkood sida tiro ubaxyo ah , Shukalaato ama
macmaanka noocyadiisa kala duwan ee ay
Haweenka jecel yihiin ama wax kale oo ay u baahan tahay sida wax lagu xasuusto
munaasabadii guurkiina , ama dhalashada 

21-Hadey ay xanuunsan tahay weydii
xaalkeeda mar waliba isla markaanaa xasuusi xiliga ay daawada isticmaali laheyd si aysan u iloobin .

22-Xiliga jiifka ama hurdada haka dib dhicin oo hal xili la gal sariirta.

23-Hadey ay wax ku weydiisato ka diid ama ka ogalaaw laakiin ha canaanan oo haku qaylin oo erayo shucuur kale ku reebaya haku oran.

24-Haddii aad dhaawacdo shucuurteda is bar bar taag oo ku dheh wan ka xumahay
dhaawacaan kuu geeystay , kana aamus una daa in ay fahanto shacuurta ka muuqata

Cumar xuseen max'ed " cumar rooti "

Comments