faalo xiisa badan nolosha waxey ibartay....

Kama baran iskuulka keliya jaamacaduna may ahayn halkaan aqoonta aan ka siyaadsaday, sidoo kale waxan ka bartay nolosha, guriga, aabahay iyo hooyaday Ilaahay cimrigooda iyo caafimaadkooda ha dheereeyee.Waxaan ka bartay casharo aanan ku barteen sanadaha aan wax dhiganayey, waxaan ogahay in mid kastoo cilmi leh mid ka cilmi badan yahay, si kastoo loo eego aqoontaaydana marka la agdhigo aqoonta dadka kale waa diciif, hadaba maalin kasta oo cusub oo noloshayda soo marta waxaan u aqaan inay tahay maalin cashar cusub ii ah oo aan ka faa’iidaysto, waxa aan u qaataa Qalin iyo tawaad sidaa darteed ayaan jeclaaday inaad ila eegtaan buuggan si aad iila qaybsataan waxaan ogaaday ee ah xikmad iyo tijaabo kuwaas oo ama aniga igu dhacay ama aan asaagay qayrkay, facay, kala simanahay kalana kulmay nolosha meertadeeda.
Waxaan bartay in qofkasta oo ka mida dadka aan aqaan ay leeyihiin wax aan ka helo ama cajebiya sidaa darteed kuma xad gudbo qofkasta oo ay naga dhaxayso xidhiidh diineed, bini aadanimo, waxaan bartay inaan xaasidka ka horgeeyo kalgacal, xumaana wanaag , bakhaltinimana deeqsinimo, fulaynimana geesinimo, gardarana dulqaad, xumaana samaan, xigmad darana xigmad, khilaafna xal joogta ah, carab dalab leh dabno toosan, uur mirir leh calool fayaw, dhirbaaxana dhunkasho kana fogaado wixii igu keenni kara dhib,Waxaan bartay in awooda kor loogu kaco iyo tan hoos loogu dhacaaba ay carabka ku hoos aasan tahay.
Odhaah dhiiri gelin ah ayaa ay gabadhaydu maalin igu tidhi ninkastoo wayn waxaa ka danbaysa gabadh caqali badan waana xigmad xeel dheer, Waxaan bartay inaan odhan wax kasta oo aan garanayo laakin aan garto waxaan odhanayo. Waxaan bartay in damiirku yahay cod hooseeya oo kuu sheegaya waxa ku sugaya maalkuna uu yahay khaadim fiican laakiinse uu yahay sayid xun haduu ku maamulo.
Waxan bartay in jacaylka aan ficilka lahayni uu yahay wakhti lumis, dadkana uu ugu xun yahay qofka sidaas yeela, waxan bartay in aanan ka murugoon hadii gantaal dilaayi iiga yimaado qofka dadka iigu dhaw, waayo waxa Eabbe iisoo diri qof iga siiba gantaalka oo qalbugayga kusoo celiya nolosha iyo dhoola cadaynta, waxaan bartay inaan qofkeliya riyooyinkaygoo dhan dul dhigin.
Waxa aan bartay in ay tahay ooridda wanaagsani tadhista himilada, hiigsiga, horumarka, hanka hilaadka, hamiga, horumarka talmoon ee sawjkeeda sidoo kale oorida gaashaan qaadka ahi waa mid u haysa sawjkeeda qadarin, kal-gacal, jacayl, naxariis, xushmayn iyo maamuus aan abid duugoobayn, dhamaan waxa ay kobcisaa kuwani kal soonida sawjkeeda.
Waxaan bartay in qofka yididiishaa ka dhigan yahay qof laydh aan joogin arka, qofka dayriyaana ee nacaska ahina uu arko laydh laakiin aanu rumaysnayn. Waxaan bartay in nolosha dhagaxaan ka buuxdo kumase turun turoonayo waan ururin waxaanan ka dhisan salaan aan ku gaadho guusha.
Casharada aad ka baranaysaa nolosha maaha mid kooban oo faro guud kood ah, hase ahaateen waa duruus iyo casharo aad iyo aad u fara badan kana badan xajmi iyo xoogba kuwa aan ka bartay school ama jaamacada hadii aad u dhuglahaato maalintii cusuba waxa aad baranaysaa waayo iyo xaladao cusub waxaa maankaaga ku soo dag-dagaya maah maahda ah (subax iyo sadar sadar baadan ) taasi oo ay dulucdeedu iyo biyo dhaceedu tahay in maalin walba buuga noloshaada ay ka sadar badan tahay waa kasta oo barya, inta aad nooshahay hadii aad is tidhaa qor oo duwaan ku duug dhacdooyinka ay noloshu ku barayso waa mid aanad ka gayoonayn taasina waxa ay igu khasabatay in aan wax badan oo ay noloshu I bartay ka tago oo aan ku soo minguuriyo kuwii ugu muhiim sanaa.
Waxa aan ku ibbo furay nolosha oo ay bartay in ay noloshuba dhamaanteedba ay tahay in aad hesho ruuxa aad jeceshahay oo aad nolosha la wadaagto, taasi waa tii igu mudnayd ee ay noloshu ibarto noloshu kuma baranayso adi, laakiin iyada ayaad baranaysaa, waxaa run oo aan nina dafiri Karin hadii uu is waydiiyo adi maxay noloshu ku baratay? In uu xasuusan karo shay masgaxdiisa ku lingaxan oo siyar oo sibikha aan uga fakanayn dihnigiisa iyo maan kiisa oo uu xasuusto marka uu su’aashaa is wadiiyo  taasi waa mid dhab ah oo ahayn dhalanteed kuna dhaw dhab ahaanta.

Comments