Waayaha cusub ee Zidane ayaa ku socday sidii uu doonayay, waxayna markale Real Madrid garoonkeeda Santiago Bernabeu ay ku xasuuqday kooxda Sporting Gijon iyada oo BBC ay shabaqa soo wada taabteen. Cristaino Ronaldo iyo Karim Benzema ayaa min laba gool dhaliyay halka Gareth Bale uu dhaliyay goolka furitaanka ee Sporting kala dhantaalay. Laakiin farxada Madrid ee natiijada kulankan ayaan noqon mid dhamaystiran, waxaana garoonka dhaawacyo looga saaray Bale iyo Benzema inkasta oo aan wali la ogayn inta uu leeg yahay dhaawacyada ay qabaan.
Wiilasha Zinedine Zidane ee Real Madrid ayaa kooxda Sporting Gijon ku soo dhaweeyay Santiago Bernabeu, waana kulankii labaad ee uu Zidane uu tababare u ahaa kooxda kowaad ee Madrid isaga oo ka fikirayay in Los Blancos ay gaadho guusheedii labaad oo xidhiidh ah intii uu uu shaqadan hayay.
Real Madrid ayaa isbadal wayn laga dareemayay kulankii Deportivo oo ahaa kulankii ugu horeeyay ee uu Zidane waayihiisa cusub ka bilawday Bernabeu, wuxuuna kulankan Zidane soo qorsheeyay in uu markale kooxdiisa dardar iyo guul fiican ku hogaamiyo si ay uu u soo jeediyo quluubta jamaahiirta Madrid ee markii horeba jacaylkiisa sida wayn looga dareemayay.Madrid ayaa doonaysau in ay culayska ku sii hayso kooxaha ka sareeya ee Barcelona iyo Atletico Madrid
Shaxda labada kooxood ee Kulankan:
Real Madrid (4-3-3): Navas; Carvajal, Varane, Pepe, Marcelo; Kroos, Modric, Isco; Bale, Benzema, Ronaldo.
Sporting (4-2-3-1): Cuellar; Lora, Luis, Mere, Isma; Sergio, Cases; Jony, Halilovic, Menendez; Guerrero.
Real Madrid ayaa qaybta hore ee kulankan shaqadeeda ugu wayn qabsatay iyada oo xili horeba shan gool ku shubtay shabaqa kooxda martida u ahayd ee Sporting Gijon. Daqiiqadii 7 aad ayuu Gareth Bale daah furay goolasha daadka ahaa ee Real Madrid kadib markii uu gool madax ah ku dhaliyay kubbad uu caawinteed isla lahaa Toni Kroos, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Madrid xili horeba hogaanka ku qabatay
Goolkan ayaa si xun uga nixiyay kooxda heerka labaad xili ciyaareedkan ka soo dalacday ee Sporting oo doonaysay in ay Madrid ciyaarta la wadaagto, laakiin goolka labaad ee Los Blancos ayaan soo daahin waxaana daqiiqadii 9 aad oo ah laba daqiiqo oo kaliya kadib goolka Bale shabaqa soo taabtay Cristiano Ronaldo dos Santos kaas oo markiisa goolkan ku dhaliyay kubbad uu caawinteeda lahaa Karim Benzema waxayna ciyaartu noqotay 2:0 ay Madrid hogaanka ku dheeraysatay iyada oo ayna ciyaartu socon 10 daqiiqo.
Real Madrid ayaa bilawday in ay xili horeba burbursato kooxda martida u ahayd ee Sporting, waxaana markale laba daqiiqo oo kaliya kadib goolka Ronaldo markiisa Madrid goolka saddexaad udhaliyay Karim Benzema oo gacan caawineed ka helay Gareth Bale, waxayna ciyaartu noqtay 3:0 ay Madrid ku xaaqyaso Sporting.
Haddii aan halkan isdul taagno, Bale, ayaa bilaabay, Crstiano ayaa u jawaabay waxaana markiisa indhaha iska jeediyay Benzema, sidaana BBC ayaa 12 daqiiqo oo kaliya ku dhaliyay 3 gool taas oo muujinaysa qaab ciyaareedka cajiibka ah ee Zidane dib ugu soo celiyay saddexdan xidig. Ku darso xisaabta oo Benzema iyo Bale ayaa goolasha raacsaday caawinta min hal gool.
Laakiin dhibaatada ay Madrid ku haysay Sporting ayaa halkeeda ka sii socotay waxaana daqiiqadii 18 aad dhulka sii dhigay Cristiano Ronaldo dos Santos kaas oo goolkiisa labaad iyo goolka afaraad ee Madrid ku dhaliyay kubbad uu si fiican uga soo shaqeeyay difaaca Daniel Carvajal Ramos, waxayna ciyaartu noqotay 4:0 ay Madrid ku gumaadayso Sporting.
Laakiin Karim Benzema ayaa isaguna markiisa soo laabtay daqiiqadii 41 aad ee dhamaadkii qaybta hore kadib markii uu goolkiisa labaad iyo kan shanaad ee Madrid uu ku dhaliyay kubbad caawin uu sameeyay Francisco Román Alarcón Suárez(Isco), waxayna markan u muuqatay in xili horeba ay Madrid isku hubsatay saddexda dhibcood, waxayna ciyaartu noqotay 5:0 ay Madrid ku xasuuqayso Sporting Gijon, sidaa ayaana lagu kala nastay qaybta hore.
Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayuu Real Madrid soo gaadhay dhaawac walwal ku abuuray Zidane iyo jamaahiirta kooxdiisa Los Blancos iyada oo ciyaarta dhaawac looga saaray Gareth Bale oo u muuqday in uu kubka dhaawac ka soo gaadhay waxaana lagu soo badalay Jesé Rodríguez. Bale ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku jiray kulamadii ugu danbeeyay isaga oo guud ahaan xili ciyaareedkan 13 gool ka dhaliyay La Ligaha.
Daqiiqadii 62 aad ayay kooxda Sporting Gijon samaysay weerar si fiican ay iskugu soo xidhay taas oo ugu danbayn keentay in ay soo taabato shabaqa uu ilaashanayay Keylor Navas, waxaana Sporting goolkan udhaliyay Ismael López Blanco kaas oo ciyaarta ka dhigay 5:1 ay wali Madrid hogaanka ugu xaragoonayso.
Daqiiqadii 64 aad ayay markale jamaahiirta Madrid afka gacanta saareen kadib markii ay arkeen Karim Benzema oo xanuun dareemaya isla markaana lugta ishaya, wuxuuna Benzema u muuqday mid uu soo gaadhay dhaawac inksta oo uu garoonka ka baxay isaga oo aan si wayn udhutinayn, waxaana lagu soo badalay Mateo Kovačić.
Real Madrid ayaa qaybta danbe uu muuqatay in ayna dardar badan sii wadayn malaha waxay hubsadeen in ay saddexda dhibcood heleen balse Ronaldo ayaa fursado uu goolkiisa saddexaad ku dhalin lahaa isla lumiyay, wuxuna dadaal ugu jiray in uu saddexleydiisa dhamaystirto balse Sporting ayaa raadinaysay dariiqay ay markale ku gaadhi lahayd goolka Madrid. Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 5:1 ay Madrid ugu awood sheegtay kooxda martida u ahayd ee Sporting Gijon.








Comments
Post a Comment